WADAMADDA AFRIKADA BARI OO MARTGELIYA…

SAWIRADDA QAAR KA MIDA RAGA LA RADINAAYO.

(NAIROBI-KENYA)-Dalalka Ugaandha iyo Jamhuuriyadda Dimuqaraadiga Koongo(DRC) ayaa hadda ah dalalka Qaaradda Afrika ku yaalo ee martigeliyo tiro badan oo ah dadka la raadinaayo ee ka soo qeybqaatay xasuuqii ka dhacay dalka Rwanda sannadkii 1994-tii, 408-ka mida ragaas ayaa waxa eey joogaan dalka Koongo, halka 277-ka mida eey ku sugan yihiin dalka Ugaandha sida lagu sheegay war eey soo saartay hayadda Rwanda u qaabilsan garsoorka(RPA), dalalka kale eey iyagana la sheegay ineey ku sugan yihiin ragii ka qeybqaatay xasuuqii Rwanda ayaa waxaa ka mida dalalka Tanzania eey joogaan 52, Kenya oo eey joogaan-35 iyo dalka Burundi oo eey joogaan-16. Xasuuq dadkaan loo haysto ayaa waxa uu dalka Rwanda ka dhacay sannadkii 1994-tii waxaane loo geystay qabiilka TUTSIGA, gobolka Bariga Afrika ayaa waxa uu martigeliyaa dembiilayaal dhan 785-qofood baxsadne ka ah cadaaladda.

ISHA WARKA THE EAST AFRICA.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Previous
Previous

TORNADO OO KU DHUFATAY ONTARIO ONTARIO IYO QUEBEC OO EY KU DHUFATAY TORNADO.

Next
Next

KORNEEL REER IRAN AH OO LA TOOGTAY.