WADAMADA KU HADLO AFKA FARANSIISKA OO SHIR UGA FURMAY…
CALAMADA WADAMADDA KA QEYBGELAAYO SHIRKA TUNIS.
(TUNIS)-Hogaamiyeyaash wadamadda ku hadlo Afka Faransiiska ee Qaaradda Afrika ayaa ku kulmaayo Jaziirad ku taalo dalka Tuniisiya maanta oo Sabti ah si ey go’aan uga gaaraan Deymaha lagu leeyahay,Socdaalka,Cuntada iyo Tamarta sii yaraneyso,waxaa kaloo ey madaxdu ka hadli doonaan kor u kicidda nolosha ee ka jirta Afrika,Yurub iyo Bariga Dhexe taaso uu sabab u yahay daglaaka Yukrayn.Shirkaan ayaa waxaa ka qeybgelaayo madax kala gedisan eyna ka mid yihiin Madaxweynaha Faransiiska Macron Reysal Wasaaraha Canada Justin Trudeau, Madaxa Golaha Yurub Charles Michel iyo Madaxweynayaasha sideed dal oo Afrika ah waane shirkii 18-aad oo sannadla ah waxaane xubno ka ah 88-urur oo ku hadlo Afka Faransiiska.
ISHA WARKA AP.