WAA MAXAY SABABTA MARAYKANKA UGA BAXAY WHO?
(SAWIRKA)-HAYADDA CAAFIMAADKA ADDUUNKA.
(WASHINGTON)-Wararka aan ka heleyno caasimadda dalka Maraykanka ee Washington ayaa sheegaayo in Madaxweynaha dalka Marykanka Donald Trump uu Isniintii shalay ahayd saxiixay Amaro Fulin ah eyna ka mid tahay in dalka Maraykanka uu isaga baxay Hayadda Caafimaadka Adduunka ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano WHO. “Caafimaadka Addunka wuu ina jeexjeexay. Qof kastaa wuu dilaa Maraykanka,waane taas. Mar dambe ma dhici doonto”Trump ayaa u sheegay suxufiyiinta isagoo saxiixaya Amaradda Fulinta ka dib markii uu ku soo laabtay Xafiiska u eg Ukunta. Shalay ayaa Trump markii labaad loo dhaariyey xilka Madaxweynaha dalka Maraykanka taaso muujineysa isbedel weyn oo ku yimid dalka Maraykanka si weyna loo saadaalinaayo inuu argagax ku keeni karo bulshada caalamka. Madaxweyne Trump ayaa sheegay inuu Maraykanka siiyo Hayadda Qaramada Midoobe dhaqaale dhan ilaa $500-Milyan oo doolar,waxa uuna yiri”Waxay iila muuqataa cadaalad darro yar,marka taas ma ahayn sababta,laakin waan ka baxay, Shiinaha wuxuu bixiyaa $39-Milyan oo doolar anaguna waxaan bixinaa $500-Milyan oo doolar,Shiinuhu waa wadan weyn”.
ISHA-AA.