66-QOF OO KU DHIMATAY DAB KA KACAY HOTEL.

(SAWIRKA)-HUTEELKA GUBTAY.

(BOLU-TURKEY)-Wararka laga helaayo dalka Turkiga ayaa sheegaayo in dab qabsaday Huteel 11-dabaq ah kuna yaalo Kartalkaya Ski Resort ee Gobolka Bolu ee dalka Turkiga,halkaas ey ku dhinteen dad gaaraayo ilaa 66-Qofood eyna ku dhaawacmeed tiro kale oo dhan ilaa 51-Qofood. “Anagu xanuun badan ayaa ina haya nasiib darro 66-qof ayaa ku naf weysay dabkii ka kacay Huteelkan”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka Turkiga Cali Yerlikiya oo Saxaafadda la hadlay ka dib markii uu kormeeray goobta dabka ka kacay helayne xogihii ugu dambeeyey, Wasiirka Caafimaadka Turkiga Kemal Memisoglu ayaa sheegay in ugu yaraan mid ka mid ah dadka dhaawacmay uu ku jiro xaalad halis ah,halka 17-dhibane kana mid ahaa dadkii dhaawacmay laga soo saaray Isbitaaladda. Dabka ayaa bilawday abaarihii 3:30-kii Subaxnimo waxa uuna ka bilawday dabaqa afaraad ee Huteelka oo ka kooban ilaa 161-Qol,sida uu bayaankiisa ku sheegay Gudoomiyaha Gobolka Bolu. Goobta uu Huteelku ku yaalo oo ah goob dhagax ah ayaa caqabad weyn ku noqotay kooxaha deb demiska kuwaaso isku dayaayey iney xakameeyaan debka,kooxdii ugu horeysay ee deb demiska ahayd ayaa goobta soo gaartay 4:15-subaxnimo sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Gudaha dalka Turkiga Cali Yerlikiya.

ISHA-DS.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

HOOS U DHAC KU YIMID IIBSIGA GURYAHA TURKIGA.

Next
Next

WAA MAXAY SABABTA MARAYKANKA UGA BAXAY WHO?