Waa Maxay dhibka ka jira Safaardda Soomaaliya ee Zambia?
(SAWIRKA)-SAFIIRADDA SOOMAALIYA U FADHIDA DALKA ZAMBIA MARWA XAAWA XASAN MAXAMED.
(LUSAKA-ZAMBIA)-Bilihii la soo dhaafay waxaa baraha bulshada ey Soomaalidu ku kulanto waxaa si xawli ah uga dhex muuqday dad eedo adag u soo jeedinaayo Safiiradda dalka Soomaaliya u fahidhada dalka zambia caasimadiisa Lusaka Marwa Dr.Xaawa Maxamed Xasan,eedaha loo soo jeedinaayey Safiiradda ayaa intooda badan salka ku haayey colaad qabiil una dhexeyso qabiilo Soomaaliyeed eysan Safiiradu midkoodna eysan ka dhalan,Marwa Xaawa ayaa hawada loo sii mariyey ineey ku lug leheed amaba ey wax ka ogeed Mawaadiniin Soomaaliyeed oo laga Musaafuriyey caasimadda Lusaka ee dalka Zambia,laakinse Marwa Xaawo oo Barteed Facebook-ga qoraal soo dhigtay ayaa beenisay iney jiraan dad ey ku lug lahayd Musaafurintooda,Safiiradda ayaa sheegtay iney ka war heshay hal qof oo Soomaali ah laga Musaafuriyey dalka Zambia inteey Safiiradda ka ahayd dalka Zambia(2020 ilaa 2023),kiiska Muwaadinkaasi la Musaafuriyey ayey Safiiradu sheegtay in hadda gacanta lagu haayo siduu uu u dhacay iyo cidda ka dambaysay arrinkaas. Safiiradda Soomaaliya u fadhidda Zambiya Marwa Xaawo ayaa Qiratay inuu jiro hal mawaadin oo Soomaali ah haystana dhalashada dalka Soomaaliya lagana Musaafuriyey dalka Zambia,Mawaadinkaasi ayaa lagu magacaabaa Guutaale Axmed Cabdalla waxaane dalka Zambia laga Musaafuriyey sida ey sheegtay Marwa Xaawo 22/9/23-ka,
ISHA/SUUQBACAAD MEDIA.
LUSAKA/ZAMBIA.