WAA KUWEE 5-TA QODOB UU SHEEGAY MW-XASAN?
(SAWIRKA)-KULANKII DADWEYNE EE MADAXWEYNE XASAN SHEEKH DHUUSAMAREE.
(DHUUSAMAREEB)-Caasimadda Galmudug ayaa waxaa maalmihii la soo dhaafay ku sugnaay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamuud,ujeedada uu halkaasi u joogo Md.Xasan sheekh ayaa ahayd sidii loo dhammaystiri lahaay wejiga koowaad ee dagaalka kooxda Alshabaab ee dalka Soomaaliya oo intiisa badan ka dhacaayey maamuladda H/shabeel iyo G/Mudug,hadaba MW- Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay kulan daweynuha reer G/mudug su’aalo ku weydiinayaan MW-Xasan Sheekh,waxa uuna MW-Xasan Sheekh kulankaas kaga dhawaaqay shan qodob ey ka mid yihiin”Waqtiga la soo afjaraayo dagaalka Alshabaab,Deyn cafinta,waqti kororsiga xukuumadiisa,la dagaalanka Musuqa iyo dhammaystirka dastuurka qabyada ah ee Soomaaliya”.
ISHA/VOA