Ilhaan Cumar oo ka mid noqotay 10-ka qofood ee ugu saameynta badan.

trump_democrats_56768_c0-0-2772-1616_s885x516.jpg

Maachadka Nabadda iyo Horumarinta ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano(INSPAD) kana hawlgala dalalka Pakistaan iyo Beljamka ayaa waxa uu soo saaray qiimayntiisa sannadlaha ahayd ee sannadkaan 2020-ka kuna saabsan dadka ugu saamaynta badan dalalka Muslimiinta ee caalamka oo dhan,waxa uuna maachadku soo saaray liis eey ku qoran yihiin dad fara badan oo muslimiin ah waxna taray bulshadda muslimiinta ku nool adduunka dacaladiisa,liiskaan eey hadda soo saareen ayaa tobanka qofood ee ugu horeeyso waxaa ka soo dhex muuqatay Xildhibaanad Ilhaan Cumar kana tirsan koongareeska dalka Maraykanka. Ilhaan ayaa laga soo doortaa gobolka soomaaloidu u badan tahay ee minasoota waxa eeyna ka tirsan xisbiga Dimuqaraadiga ee dalka Maraykanka,Ilhaan ayaa asal ahaan waxa ka soo jeedaa dalka soomaaliya waxa eeyna Maraykanka la timid waalidiinteed oo qaxootinimo loo soo dejiyey dalka Maraykanka,hadaba waxa aan halkaa idiinku soo gudbihaa magacyadda tobanka ugu horeeyso liiska iyo dalalka eey ka soo jeedaan waana sidaan:

1-Mahaatiir Maxamed-Raysal wasaarihii hore ee dalka Malaysiya.

2-Sheekha Nuura Alkhaliifa- Madaxa golaha haweenka ee boqortooyadda Baxrayn.

3-Maxamed Bin C/kariim Al Ciisa-Xoghayah ururka islaamka- Sacuudi.

4-Ilhaan Cumar- Xildhibaanad koongareeska Maraykanka.

5-Nazir Axmed iyo Ibraahin Bin Saalax- Xubno ka tirsan House of Lords UK.

6-Emine Erdogan- Xaaska madaxweynaha dalka Turkiga.

7-Xoghayah waxbartashadda sare isla markaasne ah madax maachadka caalamiga ah ee wada hadaladda u dhexeeyo diimaha ee magaaladda Dooxa ee dalka.

Golaha Machadka nabadda iyo horumarinta ayaa ka kooban 500-safiir nabadeed iyo in ka badan 12000-xubnood oo ka kala yimid dalal kala gedisan ayaa sannad walba waxa eey soo xulaan muslimiinta ku nool adduunka dacaladiisa kuwooda ugu caansan.

Previous
Previous

Somaliya maxaa u diiday…

Next
Next

Alshabaab oo ku dhintay bam eey aaysayeen.