Alshabaab oo ku dhintay bam eey aaysayeen.
Kooxda argagixisada alshabaab ee ka dagaalanta dalalka soomaaliya iyo Kenya ayaa inta badan waxa eey sameeyaan isku dayo eey jidka ku geliyaan miinooyin nuuca laga hago meel fog,kooxdaan ayaa waxa eey xoogeeda intiisa badan isugu gaysay gudaha dalka soomaaliya gaar ahaan goboladda koonfureet sida Shabeladda hoose,Jubadda dhexe,Jubada hoose,jubada sare,Gedo iyo gobolka xudur goobahas waxa eey kooxda ka fulisaa weeraro kala gedisan oo eey la brrgsadaan ciidamadda nabad ilaalinta ee afrika Amisom in kastoo hadda hawlagalka la dagaalkan alshabaab intiisa badan uu ku soo wareegay ciidamadda soomaaliyeed qeybahooda kala gedisan kuwaasoo taakulayn ka helaayo dalal soomaaliya saaxiib la ah. Kenya waxa eey ka mid tahay dalalka eey ciidamadeedu ka tursan yihiin Amisom waxa eeyna ka hawlgalaan goboladda juboouinka iyo Gedo,waxayna inta badan dhibaato u geestaan dad shacab ah oo waxba galabsan iyo ineey burburiyaan hanti eey iska leeyihiin shurkado soomaliyeed sida shirkadda Hormuud ee dhinaca isgaarsiinta ooy dhawr mar ka burburiyeen anteenooyin,sidoo kale waxaa dhibaato ku qabo ciidamadda Kenya xoola dhaqatada degto goboladaas.
Gobolka waqooyi bari ee dalka Kenya ee Gaariisa magaalada ka tirsan ee la yiraahdo FAFI ayaa waxaa ku geeriyooday seddex ka tirsan dagaalyahanadda alshabaab kuwaaso eey ku qaraxday miino eey ku aasaayeen jidka magaaladaas waxaane qaraxaas kaga dhaawacmay alshabaab afar kale waxa eeyna dhaawac afartaas dagaalyahan kula carareen baaburka soomlidu u taqaano xaajiyo qamsiin oo laba shireey ah lagan leeyahay soomaaliya oo waxaa ku dheganaayey taargadii soomaaliya,ciidamadda Kenya ayaa sheegay in marka wax dhacaayeen eey ahayd 4:00PM,inta badan miinooyinka alshabaab dhigaan jidadka dalkaas Kenya ayey ugu talagalaan ciidamadda waardiyadda ka ah jidadka magaalooyinka goboka waqooyi bari ee dalka Kenya ee Gaariisa,waxaane intaas u dheer gobolkaas Gaariisa afduubyo loo geeysto ajaanibta u yimaado ineey adeegyo u fidiyaan shacabka dego gobolkaas Gaariisa sida takhaatiirta,macallimiinta iyo injineeradda dhismaha.