Waa Maxay Nitrat Amooniya?
Sida aan la socono dalka Libnaan caasimaddiisa Beyruut waxaa ka dhacay qarax aad u weyn oo laga maqlay dalal deris la ah Libnaan,qaraxaas ayaa dhacay maalintii Talaadada hayd ee ina soo dhaaftay waxa uuna galaaftay nolosha dad gaaraayo 137-qofood,waxaane ku dhawacmay dad gaaraayo 2453-qofood,waxaane hooy la’aan ah dad gaaraayo 300,000-qofood. Qaraxaas ka dhacay dekadda magaaladda Beyruut ee dalka Libnaan ayaa waxaa sababay waxyaabo Kiimika ah oo ku keydsanaay gudaha dekadda waxyaabahaas ayaa lagu sheegay ineey ahaayeen Nitrat-Amooniya(NH4NO3) waxayna dekadda tiilay tan iyo sannadkii2013-kii,sababta dekadda loo dhigay ayaa ahayd ka dib markii eey cilad la soo derisay markabkii siday waxyaabahaan kiimikada ah oo ku socday dalka Musambiiq. Hadaba Nitrat-Amoniya ayaa ah mid aan lahay Ur iyo Midab waxa eeyna ku milantaa biyaha waxayna u gubataa si sahlan haddii eey ku qasmaan waxyaabo kale oo sahli kara ineey gubtaan. Nitrat-Amoniya ayaa loo isticmaala in laga sameeyo waxyaabaha qarxo iyo waxyaabaha lagu bacrimiyo beeraha,waxaa laga sameey daawada antibiyootiga ah,kabriitka iyo waxyaabaha qarxa ee ilmuhu ku cayaaraan. Nitrat-Amooniya ayaa sababto haddii ku neefsatid qufa,cunaha oo kaa bukada iyo neefta oo kugu dhegto. Nitrat-Amooniya haddii aad cuntid waa wareeraysaa,matag,calool xanuun iyo saxaradaada oo noqoto dhiig. Nitrat-Amooniya hadii eey gaarto jirkaada waad is xoqaysaa,waa uu guduutaa,xoqitaan iyo xanuun jirka ah.