Maxmed Bin salmaan oo …
Sarkaal sare oo ka tirsanaay sirdoonka dalka boqortooyadda sacuudiga lana yiraahdo Sacad AlJabri ayaa waxa uu maalintii khamiista 6/8/2020-ka dacwad ka gudbiyey dhaxal sugaha dalka boqortooyadda sacuudiga Maxamed Bin Salmaam,dacwadda ayaa waxaa gacanta loo geliyey maxkamad federaal ah kuna taalo magaaladda Washington ee gobolka kolombiya. Sarkaalkan ayaa waxa uu Maxamed Bin salmaan ku eedeeyey inuu maleegaayo dil qorshaysan oo isaga lagu khaarijinaayo sida horay u dhacday oo loogu khaarijyey saxafigii Jamaal Khaasoqji ee dalka turkiga,sarkaalkan ayaa la soo shaqeeyey sida la sheegay nin ahaay dhaxal suge uga horeeyey Maxamed Bin Salmaan balse Maxamed xoog uga qaatay dabadeedna xiray,sirta uu haayo darteed ayuu dhaxal sugaha sacuudiga u rabaa inuu u khaarjiyo sarkaalkan oo hadda qaxooti ku ah dalka Canada,horay ayuuna isugu dayey Maxamed Bin Salmaan in sarlkaan loo soo gacangeliyo oo waxa uu dalab lagu soo qabanaayo u gudbiyey booliska caalamiga(Interpol) balse kuma uusan guulaysan taas ayaana hadda khasab uga dhigtay inuu u soo kiraysto dilkiisa calooshood u shaqeystayaal ku dhex dila dalka Canada. Maxamed Bin Salmaan waxaa sacuudiga ugu xiran caruur uu dhalay Sacad Aljabri kalana ah Cumar Sacad oo 22-jir ah iyo Saraha oo 20-jir ah.