USAID KA HADASHAY DAGAALKA ISRAEL IYO XAMAAS.
(SAWIRKA)-MW-JOE BIDEN.
(WASHINGTON)-Boqolaal ka tirsan Hayadda Maraykanka leedahay ee Horumarinta Caalamka(USAID) ayaa saxiixay qoraal ey ugu baaqayaan maamulka uu Hogaamiyo Madaxweyne Joe Biden inuu Isra’iil ku cadaadiyo iney si dhaqsa ah u joojiso weerarada aan kala sooca lahayn ey diyaaradaha Isra’iil ka gaysanayaan Marinka Gaza iyo iney Isra’iil joojiso cadawtinimada ey kula dhaqmayso shacabka reer Falastiin ee aan waxba gaysan ee maalin walba la duqeynaayo tan iyo markii uu bilawday dagaaka u dhexeeyo Xarakada Xamaas iyo ciidamadda difaaca Isra’iil(IDF). Qoraalka loo diray Maamulka MW-Biden ayaa ah mid si deg deg ah loogu baaqayo in xukuumadda Maraykanka ey joojiso kaalmada ey siiayso Isra’iil eyna ka mid yihiin hubka lagu duqeynaayo shacabka reer Falastiin.
ISHA/ARAB.