URURKA IGAD OO KA HADLAY CIMILADDA GEESKA AFRIKA.
(SAWIRKA)-MAXAMED CABDI WAARE,KU-XIGEENKA XOGHAYAHA FULINTA EE URURKA IGAD.
(DJIBOUTI)-Urur Goboleedka IGAD(INTERGOVRNMENTAL AUTHORITY OF DEVELOPMENT) ayaa la aas-aasay sannadkii 1986-dii waxaane ka mid ah wadamadii aas aasay “Soomaaliya, Ugaandha,Kenya,Sudaan, Jabuti”, dalka Eritereeya ayaa ku soo biiray sannadkii 1993-dii oo ah waqtigii uu xuriyadda ka qaatay dalka Itoobiya halka dalka Sudaanta Koonfureed ey ku soo biirtay sannadkii 2011-kii, Dalalka Suudaan iyo Sudaanta Koonfureed ayaa laga saaray Ururka IGAD,Sudaanta Koonfureed ayaa laga saaray sannadkii 2021-kii halka Sudaan laga saaray sannadkii 2024-kii,dalka Eritereeya oo isagane laga saaray sannadkii 2007-dii ayaa dib Ururka looguu soo celiyey sannadkii 2011-kii. Hadaba Ururka IGAD ayaa soo saaray Qodobo Muhiim ah kuna saabsan Mawqifka IGAD ee Xogta Cimiladda ee Dawladaha ka tirsan Ururka IGAD. Ururka IGAD ayaa soo saaray afar Qodob oo Muhiim ah kalana ah: (1)-Muhimadda Xogta Waqtiga. (2)-Saameynta Bulshooyinka Nugul. (3)-Doorka Xarunta Saadaasha Cimiladda ee IGAD. (4)-Isgaarsiinta iyo Wacyigelinta. Ku-Xigeenka Xoghayaha Fulinta ee Ururka IGAD Md.Maxamed Cabdi Waare,ayaa si rasmi ah u sheegay in Xarunta Saadaasha Cimiladda ee IGAD(ICPAC) ey si rasmi u soo saartay Saadaasha Cimilo Xilliyeedka ee bilaha Maarso ilaa Maayo-2025-ka,in xogta cimiladda ee saxda ah ey muhiim u tahay go’aan qaadashadda. Xarunta Saadaasha iyo Codsiyadda Cimiladda ee Ururka Goboleedka IGAD ayaa si rasmi waxa ey u soo saartay Saadaasha Cimiladda Xilliyeed u dhexeeyo bilaha Maarso ilaa Maay-2025-ka talaadadii shalay,iyadoo saadaalisya Roobab ka hooseeyo kuwa caadiga ah oo inta badan ka di’i doono Gobolka Geeska Afrika. Saadaasha ayaa lagu daah furay shirka 69-aad ee Cimiladda Gobolka Geeska Afrika(GHACOG69) oo lagu qabtay magaaladda Addis Ababa ee dalka Itoobiya,taaso muujineysa baahidda deg dega ah ee loo qabo waxqabad iyo Qorshayaal la filan karo Siyaasad dejiyeyaasha iyo Bulshada degaanka. Xiiliga Maarso ilaa Maajo,waa xilli muhiim u ah Goboladda Dhul-baraha ee Geeska Afrika taaso gacan ka geysata boqolkiiba lixdan(60%) Roobabka sannadlaha ah ee meelo badan. Ku-Xigeenka Xogahyaha Fulinta Ururka IGAD Md.Maxamed Cabdi Waare ayaa ku nuuxnuuxsaday Muhimadda ey leedahay helidda Xogta Cimiladda ee Saxda ah iney tahay mid keeni karta go’aan ka gaaris.
ISHA-ENA.