RW-XAMSE OO BOOQDAY XARUNTA GUDIGA DOORASHOOYINKA.

(SAWIRKA)-RW-XAMSE OO BOOQDAY XARUNTA GUDIGA DOORASHOOYINKA.

(MUQDISHO)-Wararka aan ka heleyno caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Reysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Md.Xamse Cabdi Barre uu maanta kormeer shaqo ku tegay Xarunta Gudiga Madaxa-Banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha,RW-Xamse ayaa sheegay in XFS ey ka go’an tahay u fududeynta wax walba ey u baahan yihiin Gudiga,si dalka looga hirgeliyo Doorasho Qof iyo Cod ah taaso waafaqsan hanaanka Dimuqaraadiyadda iyo Shuruucda dalka Soomaaliya. RW-Xamse Cabdi Barre oo la hadlaayey Xubnaha Gugiga ayaa yiri”Doorashadu waa xuquuq aas aasi ah oo mawaadinku leeyahay,waxaad u Madax Banaan tihiin hirgelinta Doorasho Qof iyo Cod ah oo dalkeena ka dhacda”. RW-Xasmse ayaa xusay in Xukuumadda DanQaran ey Gudiga Gacan ku siineyso u fududeynta dhinacyadda Amniga,Wacyigelinta iyo wixii tasiilaad ah ey u baahan yihiin. Dhinaca kale, Reysal Wasaare Xamse Barre ayaa maanta daah furay nidaamka shaqo ee lacag bixinta deg dega ah,waxa uuna sheegay in horumar laga sameeyey nidaamka lacag bixinta oo si amaan ah ey bulshada u isticmaali karto lacagaha danabeysaan taaso ey u fududeeyeen Bangiyadda dalka Soomaaliya ka hawlgala waxa uuna dhiirigeliyey isticmaalka Teknoolojiyadda lacag bixinta casriga ah. RW-Xamse ayaa yiri ’Si uu dalkeena u helo dib u dhis waa inaan taagerno Ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo maalgashiga, Xukuumaduna waxay diyaarineysaa sharciyadii lagu ilaalin lahaa dhaqaalaha dalka,waxaan rabnaa in laga hortago maalgelinta Argagixisada si loo ciribtiro,waxaa kaloo inaga go’an inaan hirgelino Qorshyaasha XFS oo uu qeyb ka yahay Amniga,Dhaqaalaha iyo Horumarinta Bulshada Soomaaliyeed”. Daah furka nidaamka lacag bixinta deg dega ah waa qaab casri ah oo loo diri doono lacagaha iyadoo la isticmaalaayo bangiyadda kala duwan ee dalka,wuxuuna qeyb weyn ka qaadan doonaa hufnaanta,mushaar bixinta,sugnaanta adeega dhaqaalaha ee bulshada iyo maalgashiga dhinacyadda kala duwan.

ISHA-OPM.

Previous
Previous

WASAADDA GANACSIGA OO SOO SAARTAY….

Next
Next

URURKA IGAD OO KA HADLAY CIMILADDA GEESKA AFRIKA.