TURKIGA OO MARTIGELIN DOONO…

HORYAALKA YURUB.

(ANKARA)-Tikidhada lagu dawaanayo Horyaalka Kubadda Cagta Qaaradda Yurub(UEFA) kulanadiisa ugu dambeeyo ayaa la bilaabay in la iibiyo maanta oo Jimca ah(21/4/23)-ka waxaane la sheegay halka laga iibsan karo Tikidhadaas oo ah(UEFA .COM/TICKETS),xiriirka kubadda cagta ee Qaaradda Yurub(UEFA) ayaa soo sheegi doono Emayl ahaan halka laga helaayo dalabyada Tikidhada. Tikidhada lagu gelaayo kulanada kama dambaysta ah ee horyaalka kubadda cagta Qaarada Yurub ee 2023-ka ee hadda la iibinayo ayaa loo qeybiyey afar Qeybood: (1)-Qiimaheedu waa $757-doolar una dhiganto 690-Yuuru. (2)-Qiimaheeda waa $538-doolar una dhiganto 490-Yuuro. (3)-Qiimaheedu waa $197-doolar una dhiganto 180-Yuuro. (4)-Qiimaheedu waa $76-doolar una dhiganto 70-Yuuro,qeybtaan afaraad ayaa u gaar ah dadka Cuuryaamiinta ah. Tartanka horyaal kubadda cagta Qaarada Yurub 2023-ka ayaa lagu qaban doonaa Garoonka Ataturki Olympic Stadium ee magaaladda Istanbul ee dalka Turkiga, 2005-tii ayaa Turkiga martigeliyey koobka UEFA waxaane kulanka kama dambaysta ah isugu soo haray kooxaha Liverpool ee dalka Ingiriiska iyo Ac Milan ee dalka Talyaaniga waane laba kooxood oo caan ka ah Qaaradda Yurub waxa eyna horay ugu guulaysteen koobab kale duwan iyo baalmarino dhawr ah.

ISHA-SBM.

Previous
Previous

MIDAWGA YURUB OO KULMI DOONO…

Next
Next

MUSLIM NACAYBKA OO KU SII BADANAAYO…