MUSLIM NACAYBKA OO KU SII BADANAAYO…
MUSLIMIINTA KANADA.
(CANADA)-Islaam nacayb qalafsan ayaa ka jiro gudaha dalka Kanada sidaas waxaa sheegtay Senitarad ka tirsan gudi baarlamaan. Dumarka Muslimiinta ah si gaar ah kuwa uu midabkoodu madawga yahay ayaa ah kuwa dayacan marka uu dhacayo weerarka islaam nacaybka ah,sidaas waxaa lagu sheegay warbixin la soo saaray. Islaam nacaybka midka ugu qoto dheer uguna qalafsan ayaa ka dhex jiro bulshada reer Kanada iyo dumarka labisan Xijaabka madaw ayaa ah kuwa inta badan dayacan,sidaas waxaa sheegtay Senitarad ka tirsan baarlamaanka dalka Kanada. Kuwa midigta fog iyo kooxda Muslimka neceb ayaa ah kuwa soo badanaayo waxaane barbar socdo dhibaatoyin Islam nacayb ah oo u dhacaayo si is daba joog ah waa sida laga soo xigtay warbixin ey diyaarisay Senitarad ka tirsan gudiga Xuquuqul Insaanka ee baarlamaanka dalka Kanada,warbixintaan ayaa loo qorsheeyey in la faafiyo bisha todobaad ee sannadkaan dhexdeeda.
ISHA WARKA MEE.