TURKIGA OO DALKEEDA KA MUSAAFURISAY 2746 DAGAALYAHAN OO AJNABI AH.

101756.jpg

Turkiga ayaa waxa uu dalkiisa ka masaafuriyey dagaalyahano ajnabi ah oo ka barbar dagaalamaayey argagixisada oo gaaraayey 2764-dagaalyahan.”Waxaa mahadsan juhdiga ciidamadda amaanka ee ku kala sugan gudaha iyo xuduudyadda,sidaas waxaa maanta oo Axad ah 21/3/2021-ka sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka turkiga”.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha dalka turkiga ayaa lagu sheegay in la musaafiryey dagaalyahano ajnabi ah rabayne ineey ka barbar dagaalamaan argagixisada waxayna dalka Turkiga u yimideen sideey ugu biiri lahaayeen ururo argagixiso uu ka mid yahay ururka PKK,faracyo kala gedisan iyo Daacish.

Intii lagu guda jiray hawshaan ayey suuragashay in la soo qabto 1595-dagaalyahan aragagixiso oo ajnabi ah isla markasne loo musaafuriyo dalalkooda sannadkii 2019-kii,sannadkii 2020-kii waxaa la qabtay loona masaafuriyey dalalkooda dagaalyahano dhan 1019,(150)-dagaalyahan ayaa loo musaafuriyey dalalkooda laba bil iyo barkii ugu horeeyey ee sannadkaan 2021-ka,(224)-ka mida dagaalyahanada argagixisad ee ajbaniga ayaa loo musaafuriyey dalalkooda oo ka tirsan midawga qaaradda Yurub seddexdii sano ee la soo dhaafay. XIGASHO DAILY SABAH.

RIIX HALKAAN.

Previous
Previous

WEERAR EEY IIRAAN QOSHAYNAYSAY OO LAGA WAR HELAY.

Next
Next

KENYA OO SHAACA KA QAADAY HALKA ALSHABAAB UGA YIMID.