KENYA OO SHAACA KA QAADAY HALKA ALSHABAAB UGA YIMID.
Kenya oo ka mida dalalka geeska afrika eey alshabaab ku hayaan weeraro joogta ah ayaa waxa eey dhawaan soo saaratay warbixin ka kooban 720-bog eey kaga hadlayso halka alshabaab uga yimid dalka Kenya iyo meesha,magaca eey alshabaab wateen markii eey imaanyeen gudaha dalka,waxaane warbixintaas lagu xusay magacyo sida(Alhijra) iyo xarumo dadka lagu baro diinta islaamka sida(Amsar Muslim youth center),warbixintaan ayaa qeyb ka mida lagu xusay arrinta badda ee ka dhexeeyso somaliya iyo kenya in kastoo aan si faahfaahsan loogu sheegin xiriirka alshabaab arrinta badda.Sanadkii 2012-kii ayaa warbixinta lagu sheegay in xaruntii dhallinyarada muslimiinta ee mombasa loo bixiyey Alhijra waxaane hawlgalka xaruntaan carqaladeeynteed loo dilay dad aan la aqoon cidii dishay,Sheekh Aboud Rogo oo la dilay 27/8/2012-kii ayaa ahaay hogaamiyaha fikirka wada shaqeynta sida lagu sheegay warbixinta,dadka xubnaha ka ahaay Alhijra ee la waayey ayagoo la raadin ayaa waxaa ka mida ahaay Amirs “Musa osodo”(Sylvester Opiyo) iyo shaqsiyaad kale sida Jeremiah okuma iyo Stevev Mwanzi Osaka.Dhammaadkii 2012-kii markii eey burburtay dawladdii alshabaab ee ka jirtay Kismaayo loona yaqiinay dhulkii Alhijra ka hawlgasho ee gudaha soomaaliya,waxa eeyna kooxda alshabaab bilawday is urursi iyo ineey qoroto dagaalyahano cusub ayaa lagu yiri warbixinta dawladda Kenya. XIGASHO THE STANDARD