TURKIGA OO BILAABAY INUU TARXIILO…
(SAWIRKA)-DADKA LAGA TARXIILAAYO DALKA TURKIGA.
(ANKARA)-Dalka Turkiga waxaa ku nool dad fara badan oo ajaanib ah kana kala yimid dalal kala gedisan kuwa deris la ah Turkiga iyo kuwa ku soo galay dal ku gal,dadkaan soo gelootiga ah ayaa u yimaado dalka Turkiga sidii ey ugu tahriibi lahaayeen dalka Giriiga si ey halkaasi uga sii gudbaan Qaaradda Yurub. Tahriibka ayaa ah mid aad looga nacay dalka Turkiga waxaane ka taagan dhibaato aan xal loo helin ilaa hadda waayo waxaa biyaha Giriiga ku dhintay dad aan la qiyaasi karin dhawrkii sano ee la soo dhaafay,Midawga Yurub ayaa sameeyey hayad la socoto biyaha Yurub iyo dadka ku tahriibaayo waxa eyna ila hadda ku guulaysan la’adahay iney wax ka qabato tahriibka. Dalka Turkiga ayaa la soo sheegaya inuu hadda bilaabay inuu dalkiisa ka tarxiilo dadka ajaanibta ah,waxaane sii kordhaysa cabsida ey qabaan dadka Turkiga u yimid iney uga tahriibaan Yurub.
ISHA/ARABIC.