TURKIGA OO BILAABAY HAWLGAL LAGU SOO….
(ISTAMBUUL)-Dalka Turkiga waxa uu ka mid yahay dalalka martigeliyo qaxootiga waxaane dalkaas Turkiga ka diiwaan gashan qaxooti gaaraayo ila afar milyan(4,000,000) kuwaasoo intooda badan ka kala yimid wadamadda uu aafeeyey dagaalka sida Suuriya iyi Afgaanistaan.Waxaane dhacday shalay oo Jimca ahayd 15/4/22-ka in dalkaas turkiga laga soo qabqabto qaxootiga aan haysan sharciga dalkaas Turkiga kuwaaso tiradooda lagu sheegay ineey dhan tahay 570-qofood,waxayne ciidamadda ilaaladda xeebaha Turkiga soo badbaadiyeen 54-muhaajir oo 27-ka mida yihiin kuwa eey dib u soo celisay dawladda Giriiga.Hawlgalka dhacay shalay oo Jimca ahayd eeyna sameeyeen ciidamadda booliska Turkiga ayaa waxa uu mar qura ka dhacay 52-goobood kuna yaaliin magaaladda caasimadda ah ee ISTAMBUUL,dadka lagu soo qabtay hawlgalka ayaa tiro ahaan dhamaay 425-qofood una kala dhashay dalalka Bakistaan(195)-qofood,iyo Afgaanistaan(230)-qofood,17-ka soo hartay ayaa laga soo qabtay gobolka KIRKARELI una dhaw xuduudka Turkigu la leeyahay dalka Bulgaariya.Wasaaradda arrimaha gudaha dalka Turkiga ayaa sheegtay ineey dib ugu celisay dalalkoodii dad garaayo 21,000-qofood oo si sharci dara ah ku soo galay dalka Turkiga sannadkaan 2022-ka,waxay kaloo wasaaradu xustay in loo diiday ineey dalka soo galaan dad dhan 451-kun sannadkii 2021-kii,waxaane laga hortegay ineey dalka Turkiga si sharci dara ah ku soo galaan dad dhan 127,256-qofood.
XIGASHO:ANADOLU.