TOOGASHO KA DHACDAY MARAYKANKA.
GOOBTA LA WEERARAY.
(OAKLAND)-Ugu yaraan lix qofood oo waa weyn ayaa ku dhaawacmay toogasho ka dhacday dugsi ku yaalo magaaladda Oakland ee gobolka Kalifoorniya ee dalkaasi Maraykanka maanta oo Arbaca ah,dhiabanayaasha qaarkood ayaa laga soo helay dugsiga gudihiisa sida eey sheegeen masuuliyiinta magaaladda Oakland ee gobolka Kalifoorniya. Sida eey sheegeen booliska toogashada ayaa dhacday 12:45PM waxa eyna ka dhacday dugsiga la yiraahdo”NEWCOMER HIGH SCHOOL”,dugsigaan ayaa waxaa wax ka barto arday eey dhaleen dad Muhaajiriin ah kuwaaso da’adooda u dhexeyso 12—16 jir,dadkaan ayaa dalalkooda waxa eey uga soo carareen rabshado iyo deganaan la’aan sida lagu sheegay bogga uu leeyahay dugsiga eey ka dhacday Toogashada,dugsigaan ayaa ka mida afar dugsi oo is dhinac saaran kuna wada yaalo bariga magaaladda Oakland ee gobolka Kalifoorniya ee dalkaasi Maraykanka.
ISHA WARKA AP.