TOOGASHO KA DHACDAY MARAYKANKA.
DADKII KU XIRNAY KANIISADDA EEY KA DHACDA TIIGASHADA.
(ALABAMA)-Degmada Vestavilla Hills ee gobolka Alabama ee dalkaasi Maraykanka ayaa waxaa ka dhacday toogasho aad u xun taaso uu fuliyey nin da’adiisa lagu sheegay 71-jir,ninkaan ayaa toogtay laba qofood oo da’a ah kuwaaso isla goobtii ku geeriyooday halka qofkii seddexaad uu soo gaaray dhaawac loona qaaday isbitalka,weerarka uu fuliyey ninkaan da’ada ah ayaa waxa uu ka dhacay Kaniisad eey ku sugnaayeen dadkaan uu laayey aroortii hore ee maanta oo Jimca ah. Ninka geystay toogashada oo hadda ku jiro gacanta ciidamada booliska ayaa dadka uu dilay waxa eey kala ahaayeen Walter Rainey oo 84-jir ah,Sarah Yeagers oo 75-jir ah iyo qofkii seddexaad oo ahayd haween kuna dhimtay isbitaalka da’adedana lagu sheegay 84-jir,dhammaan dadkaan la laayey ayaa ahaay dad Cadaan ah.
ISHA WARKA AP.