TOOGASHO KA DHACDAY KANADA.

ASKERI CANADAIAN AH.

(CANADA)-Ciidamada booliska dalka Kanada ayaa maanta oo Isniin ah sheegay ineey jiraan dad kala gedisan oo dhibanayaal ah uuna ku jiro hal qof oo meyd,arrintaan ayaa dhacday ka dib markii toogasho badan eey ka dhacday gobolka British Columbia ee dalkaasi Kanada,warar ayaa sheegaayo in qofka la tuhmaayo inuu gaystay toogashada iney ciidamadda amaanka gacanta ku soo dhigeen uusana ahayn mid halis ku ah amniga shacabka British Columbia.Taliska booliska ee gobolka British Columbia ayaa waxa uu weli wadaa baadi goobka haddii uu jiro shaqsi oo isna qeyb ka ah toogashada oo dhuumaalaysanay,waxa uuna taliska booliska ku taliyey in shacabka joogaan guryahooda inta laga xaqiijinaayo inuusan jirin wax halis ku ah amniga magaaladda wax ka dheceen.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Previous
Previous

TOOGASHO KA DHACDAY GAROONKA DALLAS…

Next
Next

GAANGIS KU DAGAALAY HAYTI.