TIRADA DHIMASHAD MUHAAJIRIINTA OO..
Hayadda caalamiga ah ee muhaajiriinta(IOM) ayaa sheegtay ineey kor u kacday dhimashada muhaajiriinta ka dib markii eey hoos u dhacday ilaaladda xeebaha. Ugu yaraan 57-qofood ayaa ku dhimatay ka dib markii eey la qalibantay doon eey la socdeen muhaajiriinta xeebaha dalka Liibiya,tiradda guud dadka ku dhintay badda Miditereeniyaanka sanadkaan 2021-ka ayaa gaaraayo ilaa iyo kun qofood taasne waxa eey afar mar ka badan tahay tiradda muhaajiriinta ku dhimatay xeebaha dalka Liibiya sanadkii hore 2020-ka waqtigaan oo kale,afhayeenka xafiiska muhaajiriinta ee dalka Talyaanina Flavio Di Giacomo ayaa sheegtay ineey kor u kacday tirada dhimashada muhaajiriinta gaartayne 987-qofood sanadkaan 2021-ka halkii eey sanadkii hore(2020)-ka ka ahayd 272-qofood. XIGASHO THE GUARDIAN.