TARTANKA GABDHAHA KUBADDA GACANTA EE BARIGA AFRIKA.

GABDHAHA KUBADA GACANTA TANZANIYA.

(TANZANIA)-Magaaladda ugu weyn ee dalka Tanzaniya ee Dar Es Salam ayaa lagu qabanayaa tartanka kubada gacanta ee Gabdhaha Zoonka shanaad ee Qaaradda Afrika,kulanadaan ayaa la cayaari doonaa inta u dhexeyso 25/4/23 ilaa 30/4/23-ka,waxaane tartankaan ka qeybgelaayo laba kooxood oo kala ah kuwa ey da’adoodu ka yar tahay 17-sano iyo kuwa ey da’adoodu ka yar tahay 19-sano. Kulanadaan ayaa lagu qabanayaa National Stadium gudihiisa iyo banaankiisa kooxihii ku guulaysto tartankaan waxa ey u gudbayaan tartanka qeybtiisa ugu dambayso eyna ka soo bixi doonaan kooxaha Qaarada afrika ku meteli doono tartanka kubadda gacanta ee adduunka. Tartanka kubadda gacanta ee gabdhaha wadamada Bariga Afrika ayaa ka kooban sideed dal kalana ah{BURUNDI-JABUTI-ITOBIYA-KENYA-RWANDA-SOMALIYA-K/SUDAN iyo TANZANIYA},wadamadaan waxa ey wada cayaari doonaan kulanada Gabdhaha ey da’adoodu ka yar tahay 17-ka sano waxaane loo qeybiyey laba Gurub(A&B),Gurub(A)-TANZANIYA-RWANDA-JABUTI-K/SUDAN, Gurubka(B)-ITOBIYA-KENYA-BURUNDI-SOMALIYA. Tartanka Gabdhaha da’adoodu ka yar tahay 19-ka sano ayaa waxaa ka qeybgelayo isla dalalka ka qeybgelayo Gabdhaha ey da’adoodu ka yar tahay 17-ka sano waxa ey ku kala duwan yihiin oo kaliyah booska dalka Rwanda ayaa waxa soo gelayo dalka Uganda waane sidaan Gurubka(A)-SOMALIYA-K/SUDAN-ITOBIYA-UGANDA, GURUBKA(B)-KENYA-BURUNDI-JABUTI-TANZANIYA.

ISHA WARKA SB-MEDIA.

Previous
Previous

SOOMALIYA OO GUULO KA GAARTAY.

Next
Next

AUSTRIA OO WAR KA SOO SAARTAY…