AUSTRIA OO WAR KA SOO SAARTAY…
DUMARKA DHIBANAYASHA U AH KUWA WAX TAHRIBIYO.
(GENEVA)-Tirada guud ee dadka dhibanayasha u ah kuwa wax tahriibiyo ee la ogaaday gudaha dalka Austria sannadkii tegay 2022-ka ayaa gaarayso 104-qofood,sida laga akhriyey warbixin uu soo saaray booliska dalka Austria maanta oo Arbaca ah(25/4/23)-ka,ugu dhawaan seddex meelood hal meel dadka dhibanayaasha ah ayaa ah Dumar sida lagu xusay warbixin sannadeedka uu soo saaray xafiiska booliska Federaalka ee dembiyada dalka Austria ee sannadkii 2022-kii,inta badan dadkaan dhibanayasha ah ayaa ka kala yimid seddex dal ey ka mid yihiin Ciraaq iyo Hindiya,warbixinta ayaa xustay in xadgudub lagu sameeyey dhibanayaasha waqtiga la tahriibinaayey sida ayagoo lagu shaqeystay,waxaane dhibkaan gaystay laguna tuhmaa 49-qofood ey 41-qofood oo ka mida ey yihiin Rag halka 8-deed ey yihiin Dumar.
ISHA WARKA AA.