TALYAANIGA OO QABTAY 29-QOFOOD OO…
SAWIRKA DAD TAHRIIBAYAAL AH.
(ROME)-Wadamadda dhaca Waqooyiga Qaaradda Afrika kuna teedsan badda Miditerinyanka sida Libiya iyo Tunisiya ayaa ah dalal ey ka hawlgalaan dadka ku shaqeysto Tahriibinta dadka ka soo cararay wadamadooda rabaane iney galaan wadamadda Yurub,dadkaan wax tahriibiyo ayaa ah shabakad u dhisan sidii Shirado ganacsi oo waxa ey isugu xiran yihiin min Qaaarad ilaa Qaarad,hadaba booliska dalka Talyaaniga ayaa maanta oo Arbaca ah xabsiga dhigay 29-qofood oo lagu tuhmaayo iney yihiin kuwa dadka tahriibiyo waxa uuna booliska Talyaaniga hawlgal ku burburiyeen goobo lagu qaban jiray shaqo in muddo ah soo socotay eyna isticmaali jireen kuwa dadka tahriibiyo. Shabakadaan la burburiyey ayaa tahriib dhinaca badda ah waxa ey dalka Talyaaniga ku soo gelin jirtay dad u badan kuwa ka soo jeedo Qaaradda Afrika ka dibne waxa ey tahriib dhinaca dhulka ah ugu sii tahriibin jireen dalalka Waqooyiga Qaaradda Yurub.
ISHA WARKA AP.