TALAAL LOO HELAY CUDURKA KANEECADDA.
(DHACDO TAARIIKH AH):Hayadda caafimaadka adduunka(WHO) ayaa aqbashay talaalka Cudurka Kaneecadda markii ugu horeeysay.Cudurka Kaneecadda ayaa waxa uu dilaa dad lagu qiyaasay shan boqol oo kun(500,000)-sannadkii,dadkaas uu dilay Cudurka Kaneecadda barkood ayaa ah caruur ku nool qaaradda Afrka.
Talaalka cusub ee cudurka Kaneecadda ayaan ahayn mid si hufan u baabi’inaayo cudurka Kaneecadda,laakinse waa mid kaalmeeyn doono ilaa xilli go’an sida eey sheegeen khubaradda.Adduunka waxa uu helay hub cusub uu kula dagaalamo cudurka Kaneecadda eeyna ku jiraan kuwa duqa oo la yaqiin iyo cudur uu infakshankiisu sababo dhimasho badan,talaalka ayaa loogu talagalay kaalmayn iyo ka hortaga cudurka waxa uuna badbaadin doonaa tobanaan kun oo caruur ah sannad walba.Cudurka Kaneecadda ayaa dila nus melyan qofood sannadkiiba dadkaas uu dilay cudurka Kaneecadda ayaa ku sugan dhulka saxaraha ka hooseeyo ee qaaradda Afrika waxaane ka mida 260,000-caruur ah kuwaasoo da’adoodu ka yar tahay shan sano.
Talaalka cusub eey sameeysay shirkadda GlaxoSmithKline(GSK) oo saldhigeedu yahay dalka Ingiriiska balse xarumo ku leh dalalka Maraykanka,Shiinaha iyo Australia ayaa kor u qaadaayo habka difaaca ee jirka caruurta kaasoo ka difaacaayo dulinka (Plasmudium Falciparum),dulinka xambaarsan cudurka Kaneecadda ayaa ku baahsan qaaradda Afrika waxa uuna u kala baxaa dulinkaas sababa Kaneecadda afar nuuc(Plasmudium Falciparum,P.vivax,P.Oval iyo P.Maleriae).XIGASHO WAKALAADAHA.