NIN SACUUDI-KANADIYAAN AH OO DACWAD LOOGU HAYSTO MARAYKANKA.
(USA):Xeer ilaalinta dalka Maraykanka ayaa shalay oo sabti ahayd(10/2/2021)-ka sheegtay in la qadaayo dacwad lid ku ah nin Sacuudi-Kanadiyaan ah kaaso ku eedeysan inuu kaalmo siiyey kooxda Daacish ee ka dagaalanta Ciraaq iyo Suuriya,waxa uuna ninkaan kooxda Daacish u sameeyn jiray bambada laga tuuro gacanta iyo borobogaandada lagu baafiyo baraha bulsahadda,waxa uuna ninkaan tegi jiray dhulka eey qabsadaan Daacish waxa uuna ka soo qaadi jiray Video uu codkiisa ku soo duubay si uu dhigo baraha bulshada gaar ahaan waxa uu soo duubay video laga soo qaaday wariye Maraykan ah.
Wasaaradda cadaaladda Maraykanka ayaa magaca ninkaan Sacuudi-Kanadiyaanka ah ku sheegtay in la yiraahdo Maxamed Khaliifa,waxa uuna kooxda Daacish u qeybsanaay qeybta afka Ingiriiska isagoo soo jiidanaayo dhallinyaradda jihaad doonka waxa uuna sharaxaad ka siin jiray jihaadka wax uu yahay.XIGASHO MEMO.