TAHRIIBKA OO KU BATAY INGIRIISKA.
(SAWIR)-DUMAR UUR LEH IYO CARUUR LAGA SOO SAARAY BIYAHA INGIRIISKA.
(DUNGENESS)-Tirada Muhaajiriinta aan sharciga ahayn ee soo gaaray dalka Ingiriiska ayaa qaar iyaga ka mid ah ey yihiin Caruur iyo Dumar Uur leh,dadkaan ayaa Ingiriiska ku soo galay doomo yar-yar waxa eyna ka soo galaan xeebaha koonfureed maanta oo Arbaca ah,dadkaan ayaan laga celin karin khatarta ka jirto marka laga soo gudbaayo Kanaalka u dhexeeyo wadamadda Faransiiska iyo Ingiriiska kaaso ey ku dhinteen lix qofood dhammaadka todabaadka. Ugu yaraan 100-qofood ayaa soo gaaray dekeda Dover ka dib markii ey ciidamadda ilaaladda xuduudyada ey soo qaadeen Dumar iyo Caruur wada socday soona gaaray biyaha dalka Ingiriiska.
ISHA/ARAB NEWS.