TAHRIIBAYAAL SOOMAALI IYO ITOOBIYAAN AH OO GAARAY YEMAN.
(SAWIRKA)-TAHRIIBAYAAL.
(SANA’A)-Booliska Gobolka Shabwa’a ee dalka Yeman ayaa sheegay in 336-Tahriibe ey soo gaareen Gobolkooda shalay oo Talaada ahayd,dadkaas ayaa ka soo degay degaanka KIDDAH ee degmada Ruduum ee Goblka Shabwa’a, ka dib markii doomankii siday ey ku dejiyeen Xeebta. Warbaahinta Aminag ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo soo xiganeysa Booliska Gobolka Shabwa’a ayaa sheegtay in dadka Tahriibayaasha ah ey ku jiraan 256-Qof oo dhalasho ahaan ka soo jeedo dalka Itoobiya,kuwaaso 103-Qof oo ka mid ah ey yihiin Dumar, 80-Qof ee kale ee soo hartayne waxa ey ka soo jeedaan dalka Soomaaliya. Booliska ayaa xaqiijiyey iney ururiyeen dadka sharci darradda ku soo galay dalka Yeman,waxa eyna qaadeen tallaabooyinkii sharciga ahaa ee loo baahnaay taaso qeyb ka ah dadaaladda la doonaayo in wax looga qabto Arrimaha Socdaalka Sharci daradda ah iyo Xadida Dhaqdhaqaaqyadda Tahriibayaasha ee Xeebaha dalka Yeman. Waxaa xusid mudan in Xeebaha Yeman ey ka mid yhiin saldhigyadda ugu waa weyn oo ey ka soo galaan dadka sharci darradda ah,kuwaaso intooda badan dalka Yeman u yimaado iney uga sii gudbaan wadamadda Khaliijka gaar ahaan dalka Boqortooyadda Sacuudiga,iyadoo ey jiraan caqabadao Amni iyo kuwa bani’adanimo ey kala kulmaan maamuladda dalka ka jiro.
ISHA-MO.