ISKU SHAANDHEYN KA DHACADAY MADAXTOOYADA.

(SAWIRKA)-ASTAANTA QARANKA SOOAALIYEED.

(MUQDISHO)-Wararka laga helaayo caasimadda Muqdisho ee dalka Soomaaliya ayaa sheegaayo in isku shaandheyn lagu sameeyey Agaasinka Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,waxaa la magacaabay Agaasimeyaa cusub kuwane xilalka ayaa loo kala bedelay. (1)-Maxamed Adan Maxamed(Dugoow),waxaa loo magacaabay Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta, Maxamed ayaa horay u ahaa Agaasimaha Arrimaha Bulshada ee Madaxtooyadda Qaranka. (2)-C/raxmaan Maxamed Xasan”Xudeyfi”,waxaa loo magacaabay Agaasimaha Arrimaha Bulshada ee Madaxtooyada Qaranka, C/raxmaan ayaa horay u ahaa ku simaha Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyadda Qaranka. (3)-C/raxmaan Adan Cali(Xadaana),waxaa loo magacaabay Afahayeenka Madaxtooyadda Qaranka. (4)-Samatar Shariif Axmed,waxaa loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Iibka Madaxtooyada Qaranka, Samatar waxa uuhoray u ahaa Agaasimaha Waaxda Adeega Guud ee Madaxtooyadda Qaranka. (5)-Xuseen Yuusuf Cali(Ladane),waxaa loo magacaabay Agaasimaha Adeega Guud ee Madaxtooyadda Qaranka. (6)-Ladan C/Khayr Cilmi,waxaa loo magacaabay Agaasimaha Waaxda maamulka iyo Maaliyadda Madaxtooyadda Qaranka. (7)-Mawliid Ibraahim Xasan,waxaa loo magacaabay Agaasimaha Waaxda la socodka iyo Qiimeynta(M&E) ee Madaxtooyadda Qaranka. (8)-Maxamed Salaad Axmed (Barre),waxaa loo magacaabay Madaxa Xafiiska Agasimaha Guud ee Madaxtooyadda Qaranka.

ISHA-VILLA SOMALIA.

HALKAN KA AKHRISO.

Previous
Previous

TAHRIIBAYAAL SOOMAALI IYO ITOOBIYAAN AH OO GAARAY YEMAN.

Next
Next

HAYADDA SOCDAALKA IYO JINSIYADAHA SOOMAALIYA OO..