TAHRIIBAYAAL KU DHUMAY BADDA MIDITERENIYANKA.

BADDA.

(PALERMO)-Weli waxaa xeebaha dalalka liibiya iyo Tuniisiya ka socdo u tahriibidda dalalka Yurub,dadka tahriibaayo ayaa raaco doomo ey liidato xaaladooda farsamo mana laha jiheeye haga dadka saaran doomahaas,hadaba dad ka soo badbaaday doon ku dhuntay badda Miditereniyanka ayaa masuuliyiinta dalka Talyaaniga waxa ey u sheegeen in doonta ey saarnaayeen dad gaaraayo 50-qofood oo tahriibayaal ah markii ey doonta dhumaysay,doonta ayaa isku dayeysay ineey isaga gudubto xeebaha dalka Tunisiya ilaa bartamaha badda Miditereniyanka. Canug yar oo saqiir ah ayaa ka mid ah sagaal qofood oo ku geeriyooday doonta,waxaa kaloo dadka dhintay ka mid ahayd hooyadii dhashay canuga saqiirka ah iyo haweeney kale oo uur lahayd,dhammaan dadkaan geeriyooday ayaa u wada geeriyooday Qabaw iyo Haraad ku qabsaday doonta dusheeda,sidaas waxaa sheegay masuuliyiinta dalka Talyaaniga.

ISHA WARKA GUARDIAN.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Previous
Previous

KENYA: ASKERI LAGU XUKUMAY DIL…

Next
Next

TOOGASHO LAGU DILAY 6-QOFOOD OO KA DHACDAY…