TABABAR LA XIRIIRO ISDHEXGALKA BOOLISKA IYO BULSHADA OO KA..

(SAWIRKA)-BOOLISKA SOOMAALIYA OO TABABAR U FURAY..

(MUQDISHO)-Wararka aan ka heleyno caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Taliyaha Akadeemiyadda Booliska ee Gen.Kaahiye Sareeye Guuto C/kariim Xuseen Macallin oo maanta furay Tababar ku saabsan Wada Shaqeynta Bulshadda iyo Booliska(Community Police). Xafladda furitaanka Tababarkaan waxaa goobjoog ka ahaay Taliye ku xigeenka Tababaradda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed G/dhexe Axmed Maxamed Axmed, Taliyaha Hogaanka Xiriirka Bulshada G/Le.Qaali Axmed Cadaan iyo saraakiil kale oo ka socotay Ciidamadda Booliska Atmis. Tababarkaas oo ey ka soo qeybgleen qaar ka mid ah dhallinyaradda degmooyinka Gobolka Banaadir iyo saraakiil iyo ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliyeed oo loo diyaarinaayo iney ka wada shaqeeyaan wanaajinta xiriirka Bulshada iyo Booliska wuxuuna Tababarku socon doonaa muddo ku dhaw hal bil,inta uu socdo tababarka waxaa casharo ka bixin doono saraakiil ka kala socoto Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo kuwa ka socdo Booliska Atmis. Dhinaca kale,Geesiyaasha Guutadda Birjeex ee Ciidanka Daraawiishta Jubaland ayaa gor dhaw waxay meel hawd ah oo dhinaca Galbeed ka xigta Buulo-Xaaji ka heleen seddex dhagar qabe oo hubaysan oo qeyb ka haay weerarkii ey kooxda Alshabaab ku jabtay,waxa eyna ku dhuumaaleysanaayeen hawdka. Waxaane Ciidanka daraawiishta Jubaland uu suurtagashay iney diaan laba ka mid ah halne ey nolosha ku qabtaan,midkii la soo qabtay oo qaba dhaawac ayaa hadda la geey xarun caafimaad ey ciidamadu leeyihiin si loogu daaweeyo,waxa eyna ciidamdda Jubaland soo furteen dhammaan hukii ey wateen maleeshiyaad Alshabaab.

ISHA.SNA.

Previous
Previous

KENYA: ALSHABAAB LA LAAYEY AGABNE LAGA SOO QABSADAY.

Next
Next

BAARLAMAANKA TURKIGA OO ANSIXIYEY…