KENYA: ALSHABAAB LA LAAYEY AGABNE LAGA SOO QABSADAY.

(SAWIRKA)-AGAB LAGA QABSADAY KOOXDA ALSHABAAB.

(GARISSA-KENYA)-Wararka ka imanaayo Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa sheegaayo in Hayaddo badan oo amaanka ka tirsan ey hawlgallo sirdoon ah ey ku qaadeen saldhig ey kooxda Alshabaab ku leedahay degaanka Alango ee ismaamulka Gaarisa,waxaa goobta ku sugnaay khubaro ka tirsan kooxad Alshabaab una qaabilsan dhinaca waxyaabaha Qarxa waxaane lagu soo qabtay agabyo kala duwan. Dhacdadaan oo dhacday shalay oo Sabti ahayd(27/7/24)-ka ayaa tii ugu dambeysay ee ka dhacda degaanka loo arko inuu yahay goobta ey ku tartamaan Argagixisadda si ey u beegsadaan goobaha gobolka,Booliska ayaa sheegay in hawlgalka uu ka dhacay inta u dhexeyso Gaariisa iyo Dhadhaab,waxaane hawlgalka lagu soo dilay laba ruux oo loo maleynaayo iney ka tirsan yihiin kooxda Alshabaab. Maleeshiyaadka Alshabaab ayaa hadda u muuqda iney marayaan gabgabo goobaha ey kaga dhuumaaleysanayaan dhulka hawdka ah ee ku yaalo Koonfurta Alango iyagoo sugaayey waqti ku haboon ey weerar ku qaadi karaan balse iyaga la soo weeraray.

ISHA/THE SYAR.

SII AKHRI.

Previous
Previous

LIBIYA: MASUULIYIIN DAYAC DARTIIS LOO XUKUMAY.

Next
Next

TABABAR LA XIRIIRO ISDHEXGALKA BOOLISKA IYO BULSHADA OO KA..