SWEDEN OO KA HADASHAY TOOGASHADII KA..
(SAWIRKA)-BOOLISKA DALKA SWEDEN.
(OREBRO-SWEDEN)-Toogashadii horaantii todobaadkan lagu dilay 10-ka qofood taaso ahayd Toogasho wadareedkii ugu xumaa ee dalka Sweden ayaa waxaa geystay qof ku xirnaa ama arday ka ahaa xarunta Waxbarashada dadka waa weyn,halkaaso uu rasaas huwiyey dhammaan dadkii ku sugnaay,sida ey sheegeen saraakiisha sharci fulinta. Maamulka goobta Waxbarsho ayaa isna sheegay in ninka hubeysan laga yaabo inuu arday ka ahaa iskuulka Toogshada ey ka dhacday Talaadadii la soo dhaafay,iskuulka ayaa ku yaalo Galbeedka magaaladda caasimadda ah Stockholm. Ninka Toogashada geystay ayaa meydkiisa laga helay isla goobta Waxbarashada,waxa uuna watay ilaa seddex Qori,10-wargeys iyo tiro badan oo rasaas aan weli la isticmaalin,sida ey saraakiishu ku sheegeen shir Jara’id, waxa aan weli cadeeyn sida uu u dhintay qof hubeysnaa,balse saraakiishii booliska ee ku soo baxday toogasho wadareedka ayaa qaarkood rideen rasaas taas ayaana laga yaabaa iney dishay ninkii hubeysnaa. Dugsiga,Kambas Risbergska,waxa uu bixiyaa fasallo Waxbarasho Hoose dhexe oo loogu talagalay dadka waa weyn kuwaaso da’adoodu tahay 20-sano iyo wixii ka weyn,fasladda ayaa ah kuwa lagu barto Afka Iswiidhanka waxaane wax ka barto dadka Qaxootiga ku yimid dalka Sweden iyo dadka dhinaca garaadka ama fahamka ka ah naafadda,Xaruntaan ayaa ku taalo duleedka Orebro oo qiyaastii 200-kiilomitir u jirta magaaladda Caasimadda ah ee Stockholm.
ISHA-DH.