DAGAAL KA DHACAY DEGMADA BAARDHEERE G/GEDO,SABABTA?
(SAWIRKA)-QORAALKA WASAARADDA AAMNIGA GUDAHA.
(MUQDISHO)-Wararka laga helaayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ey War Saxaafadeed maanta ka soo saartay weerar la sheegay in lagu qaaday fariisimo ey leeyihiin Ciidamadda DFS kuna yaal degmada Baardheere ee Gobolka Gedo DG Jubaland, Ujeedka weerarka ayaa ahaa in lagula wareego gacan ku heynta Degmada Baardheere ey hadda gacanta ku heyso DFS ka dibne warbaahinta loo soo bandhigo in Degmada Baardheere ey gashay gacanta DG Jubaland ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe. Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa sheegtay in weerarkii saakay ka dhacay degmada Baardheere uu soo abaabulay Eedeysane Axmed Madoobe, waxaane qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Amniga Gudaha lagu cadeeyey in DFS ey ka go’an tahay la dagaallanka kooxaha caadeystay Qaska iyo Carqaladeynta Nabadda iyo Horumarka dalka. Hogaanka DG Jubaland ayaa ka soo horeestay siyaasadda DFS ee ah in dalka uu aado Doorasho Qof iyo Cod ah iyo in Dawlad Goboleedyadda kala ah Jubaland,H/shabeele iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya la siiyo muddo kordhin dhan hal sano si ey isugu diyaariyaan Doorasho mideysan ahne Qof iyo Cod. Xoghayaha degmada Baardheere Buraale Ibrahim Xasan ee garabka DFS ayaa wareysi u siiyey Tv-ga iyo Idaacadda SMS ee magaaladda Muqdisho ku sheegay in saakay dagaalkii ka dhacay degmada Baardheere ee G/Gedo looga itaal roonaaday ciidamaddii Jubaland ee ku soo duulay degmada Baardheere, lagana qabtay maxaabiis fara badan ey ka mid yihiin maamulkii uu soo diray DG Jubaland. Dagaalka saakay ka dhacay degmada Baardheere ee G/Gedo ee DG Jubaland ayaa waxaa ku geeriyooday Gudoomiye ku xigeenkii dhinaca Arrimaha Bulshada ee degmada Baardheere ee garabka DFS. Xoghaye Buraale ayaa xaqiijiyey Ciidamadda iyo Maamulkii raacsanaa DFS iney hadda gacanta ku hayaan maamulka degmada Baardheere ee G/Gedo.
ISHA-SB-MEDIA.