SUUDAAN OO LA SII DAAYEY WASIIRO KU JIRAY XABSI GURI

(GENEVA):Xafiiska ugu sareey qaramadda midoobay ee xuquuqul insaanka ayaa maanta oo Jimca ah(5/11/2021)-ka cambaareeyey talaabadda eey qaadeen hogaamiyeyaasha ciidamadda ee dalka Suudaan taaso ah Afgembigi laba todobaad ka hor dhacay dalka Suudaan waxayna ugu baaqeen ineey dib uga laabtaan soona celiyaan maamulki rayidka ahaay.

Wakiilka qaramadda midoobay u qaabilsan xuquuqul insaanka haweeneyda la yiraahdo Michelle Bachelet ayaa cilad u yeeshay xooga xad dhaafka ah eey isticmaaleeyn xoogaga amaanka ee dalka Suudaan taaso eey ku dhinteen seddex iyo toban(13)-qofood eeyna ku dhaawacmeen dad gaarayo seddex boqol(300)-qofood tan iyo markii uu dhacay afgembiga bishii oktoobar shan iyo labaatankeedi(25/10/2021)-ka,waxay kaloo haweeneydaan cadeeysay ineey danaynayso in xal loo helo tirada aadka u badan ee la xiray iyo kuwa la la’ayahay kana tirsan ururada bulsahada,hogaamiyeyashii banaanbaxyadda,suxufiyiinta iyo kuwa u dhaqdhaqaaqa xuquuqda dadka.Waxaane jiro warar sheegaayo in la sii daayey qaar ka mida golihii wasiiradda ee Raysal wasaare Xamduuk waxaane ka mida wasiiradda la sii daayey wasiirka warfaafinta iyo dhaqanka Hashim,wasiirka Isgaarsiinta Cali,wasiirka ganacsiga iyo iskashiga caalamiga ah iyo wasiirka dhallinyarada iyo cayaaraha Yuusuf.ISHA AP.

HALKAAN KA SI AKHRI.

Previous
Previous

TURKIGA OO XIRAY 9-QUNSULIYADOOD.

Next
Next

DAGAALKA ITOOBIYA OO GALAY WEJI KALE.