DAGAALKA ITOOBIYA OO GALAY WEJI KALE.
(ADDIS ABABA):Dagaalka ka socdo dalka Itoobiya waxa uu hadda galay marxad cusub ka dib markii gudaha dalka Maraykanka gaar ahaan magaaladda Washington looga dhawaaqay isbahaysi cusub oo ka soo horjeedo xukuumadda uu hogaamiyo Raysal wasaare Abiye Axmed,isbahaysigaan cusub ayaa ka kooban sagaal kooxood waxaane ugu tun weyn Tigray(TPLF) iyo Oromada(OLA) oo ah kuwa soo riixay ciidamadda dawladda Itoobiya isuguna keenay dhulka ku hareereysan caasimadda Addis Ababa.Isbaysigaan ayaa waxaa sameeyey wakiilka gaarka ee dawladda Marayanka u qaabilsan geeska afrika Jeffery Feltman ujeedada loo sameeyey ayaa ah in wada hadal wax lagu dhammeeyo lana joojiyo dagaalka waayo waxa uu la kulmi doonaa Raysal wasaare Abiye Axmed marka uu tago qaaradda afrika,dhinaca kalane,afhayeenka xafiiska Raysal wasaare Abiye Axmed haweeneyda la yiraahdo Billen Seyoum ayaa wakaaladda wararka ee ASSOCIATED PRESS(AP) u sheegtay in Raysal wasaare Abiye Axmed la kulmi doono wakiilka qaramadda midoobay u qaabilsan samafalka Martin Griffiths kaaso horay u soo noqday wakiilka qaramadda midoobay ee dalka Yaman balse ku soo guul dareeystay wax ka qabashadda dalka Yaman ee dagaalku aafeeyey.Antony Blinke oo ah wasiirka arrimaha dibadda dalka Maraykanka qoraal uu soo saaray ayuu ugu baaqay xogaga Tigray iyo Oromadda ineey joojiyaan ku soqidda Caasimadda Addis ababa.ISHA AP.