SUUDAAN IYO DAWLADIHII SOO MARAY.
MAGAALADDA KHARTUN.
(KHARTUM)-Dalka Suudaan waxaa maalintii seddexaad ka socdo dagaal u dhexeeyo Ciidamadda dalka Suudaan iyo Xoogaga Taageerada Dhaqsiyaha(RSF),labadaan kooxood ayaa afgembiyey xukuumaddii uu hogaaminaayey Madaxeyne Cumar Xasan Al-Bashiir-2019-kii, arrinta la yaabka leh ayaa ah in Xoogaga RSF-ka hogaamiyahooda(Humeyti) uu diiday in ciidamadiisa ku biiraan Ciidamadda dalka Suudaan waxaane arrintaan loo sababeeyey in dawlado kale ka dambeyaan diidmadiisa. Hogaamiye Xumeyti ayaa ah nin gacan saar la leh dalalka Imaaraatka Carabta iyo Masar waxa uuna ciidamo u diray dalka Yeman si ey ula dagaalamaan Xuutiyiinta waqtigii isbahaysiga uu hogaaminaayo Sacuudiga ey dagaalka kula jireen Xuutiyiinta Yeman,dadka falanqeyo arrimaha Suudaan ayaa sheegay in dalka Imaaraatka yahay dalka ka dambeeyo arrinta hadda ka taagan dalka Suudaan,hadaba wax ka ogow wixii uu soo maray dalka Suudaan oo ah dhinaca xukunka.
ISHA WARKA AA.