SURIYA OO SO CESHATAY XUBINIMADA OIC.

(SAWIRKA)-URURKA ISKAASHIGA ISLAAMKA.

(KSA)-Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) Hussein Brahim Dhaha ayaa Axada maanta ah soo dhaweeyay dib u soo celinta xubinnimada Jamhuuriyadda Carabta ee Suuriya ee Midowga, sida ey sheegtay Wakaaladda Wararka Sacuudiga. Waxa uu ku tilmaamay go’aan taariikhi ah oo dib u xaqiijiyay taageerada Ururka ee dadka Suuriya, xilli xasaasi ah oo taariikhda dalka ka mid ah, ayey Wakaaladda Wararka u faafisa dalka Sacuudiga ee SPA ku dartay. Go’aankan ayaa lagu ansixiyay inta lagu guda jiro Kalfadhiga 20-aad ee aan caadiga ahayn ee Golaha Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka, kaasoo Jimcihii lagu qabtay Xarunta Xoghaynta Guud ee Ururka OIC ee magaaladda Jeddah. Kulanka ayaa ugu horeyn diiradda lagu saaray sidii wax looga qaban lahaa Xadgudubyada joogtada ah oo ey Israa’iil ku heyso shacabka Falastiin iyo baaqyada ku aadan in laga Barakiciyo dhulkooda. Dhaha ayaa ku nuuxnuuxsatay in dib u soo celinta Suuriya looga dan leeyahay in lagu fududeeyo isbedel Siyaasadeed oo Nabdoon oo Ammaan ah kaas oo soo celinaya Hay'adaha dalka, sharafta dhuleed, iyo is dhex-taagidda quruumaha. Waxa uu sidoo kale ku celiyay sida ey uga go'an tahay Xoghaynta Guud in ey si dhow ula shaqeyso Suuriya si loo taageero ujeedooyinka OIC iyo xoojinta ficil wadajir ah oo Islaami ah. Suuriya ayaa laga joojiyay Xubinnimada OIC 2012-kii ka dib markii uu dillaacay dagaal sokeeye oo ba'an, iyadoo dalalka xubnaha ka ah ey walaac ka muujiyeen Xadgudubyada Xuquuqul Insaanka iyo saameynta colaaddu ku leedahay Xasilloonida Gobolka. Soo noqoshadeedu waxay astaan ​​u tahay isbeddel dublamaasiyadeed oo mug leh, oo ka tarjumaysa wada shaqaynta ka dhaxaysa Dimishiq iyo jilayaasha Gobolka. OIC, oo ka kooban 57 dowladood oo xubnaha ka ah, ayaa in muddo ah door ka ciyaarayay wax ka qabashada arrimaha quseeya guud ahaan dunida Muslimka, oo ey ku jiraan xallinta khilaafaadka iyo taageerada Bini'aadantinimo.

ISHA-AN.

Previous
Previous

DAWLADDA INGIRIISKA OO SOOMAALIYA UGU DEEQDAY….

Next
Next

MW-XASAN SHEEKH OO KA HADLAY DAGAALKA K/SUDAN.