MW-XASAN SHEEKH OO KA HADLAY DAGAALKA K/SUDAN.
(SAWIRKA)-KONFURTA SUDAN.
(MUQDISHO)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ey si buuxda ula garab taagan tahay shacabka Koonfurta Suudaan, iyadoo ey jirto xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay Xarigga Madaxda Xisbiyada Mucaaradka. "Waxaan sii wadi doonnaa dadaallada lagu doonayo in lagu helo nabad iyo mustaqbal xasiloon oo qarankooda," Maxamuud ayaa ku yiri War-Saxaafadeed uu taleefoonka kula xiriiray Madaxweynaha Koonfurta Suudaan Salva Kiir iyo Madaxweyne Ku Xigeenka Riek Machar, oo ah ninka ey xafiiltamaan Kiir. Isagoo muujiyay "Walaaca qotoda dheer" ee Soomaaliya ey ka qabto horumaradii ugu dambeeyay, wuxuu ku booriyay wadahadal iyo iskaashi si looga hortago iney sii xumaato. "Xasiloonida Koonfurta Suudaan waxay udub dhexaad u tahay Nabadda iyo Ammaanka Gobolkayaga ballaadhan," ayuu yiri. Hoggaamiyaha Soomaaliya ayaa u xaqiijiyey Kiir iyo Machar in wada-hadallo heer gobol ah ey socdaan si loo taageero Xasilloonida iyo Barwaaqada Koonfurta Suudaan. "Gobol ahaan, waxaa naga go'an inaan taageerno dadaallada horseedi doona xal nabadeed," ayuu raaciyay. Xiisada ayaa horraantii bishan ka taagneyd Koonfurta Suudaan markii Ciidamada Ammaanka ee daacadda u ah Kiir ey xireen laba Wasiir oo ka tirsan xukuumadda iyo dhowr sarkaal oo sare oo militari oo lala xiriirinayo Machar. Xarigan ayaa yimid ka dib markii ey iska horimaad rabshado wataan ku dhex maray Ciidamada Qaranka iyo Malayshiyaadka cadaanka ah, koox u badan beesha Machar ee Nuer, magaalada Naasir ee Waqooyiga dalkaasi. Maamulka ayaa qeyb ka mid ah xariga u sababeeyay wadashaqeynta la sheegay iney dhexmartay garabka Machar iyo Maleeshiyaadka Ciidanka Cadaanka ah, kuwaas oo lagu eedeeyay iney weerareen xero ciidan oo ku dhow Naasir Talaadadii.
Si kastaba ha ahaatee Xisbiga Machar ayaa beeniyay eedeymaha loo soo jeediyay. Wasiirka Warfaafinta Michael Makuei ayaa sheegay in xariga loo geystay sababo la xiriira khilaaf dhanka sharciga ah. Dhinaca kale, Diyaarad Helicopter ah oo ey Qaramada Midoobay leedahay oo isku dayday iney Askar ka daad-gureyso Naasir ayaa la toogtay Jimcihii, iyadoo ey ku geeriyootay Shaqaalihii Diyaaradda iyo dhowr Askari. Weerarka ayaa sii xoojiyey xaaladda kacsan ee Gobolka. Koonfurta Suudaan oo noqotay dalka ugu da'da yar caalamka sannadkii 2011-kii, ayaa sannadkii 2013-kii galay dagaallo sokeeye, inkastoo heshiiskii nabadeed ee sannadkii 2018-kii lagu joojiyay dagaallo waa weyn, haddana dib-u-habaynno muhiim ah oo ey ka mid yihiin hub-ka-dhigista kooxaha hubeysan iyo u-diyaar garowga doorashada ayaa istaagay.
ISHA-AA