SUDAN OO MAMNUUCDAY BADEECADA KAGA TIMAADA KENYA.

(SAWIRKA)-CALANKA SUDAN.

(SUDAN)-Sudan oo joojisay dhamaan badeecadihii uga imaan jiray Kenya sababo la xiriira taageerada ay siiso Ciidamada deg dega ah ee Sudan. Xukuumadda Sudan ayaa ku dhawaaqday inay mamnuucday dhamaan alaabaha laga keeno Kenya, iyadoo ku eedeysay in Xukuumadda Nairobi inay taageerto Ciidamada Gargaarka deg dega ah ee (RSF) iyadoo martigelisay kulamadooda iyo hawlahooda. Sida laga soo xigtay Wasiirka Ganacsiga iyo Sahayda ee Suudaan, Cumar Axmed Maxamed Cali, joojinta soo dejinta "Waxay ku saleysan tahay Go'aankii Golaha Wasiirada ee tirsigiisu ahaa 129 ee 2024, kaas oo Joojiyay dhammaan wax soo dejinta Kenya ee dhammaan Dekedaha, Isgoysyada Xuduudaha, Garoomada Diyaaradaha, iyo meelaha laga soo galo," ayay ku warantay Wakaaladda Wararka u faafiso dalka Suudaan ee (SUNA). Bayaanka Wasiirku waxa uu sheegay in mamnuuciddu ay lama huraan u tahay "Si loo ilaaliyo danaha Qaranka Sudan iyo Ammaanka" waxaana la faray "dhammaan Masuuliyiinta ay khusayso inay si deg deg ah u dhaqan geliyaan mamnuucida." Go'aankan ayaa daba socda martigelintii Kenya ee RSF-ta iyo saxiixa Axdi-Siyaasadeed 22-kii Febraayo, halkaas oo, sida laga soo xigtay mas'uuliyiinta Suudaan, RSF iyo kooxaha Suudaan ee xulafada la ah ay ku dhawaaqeen "Dawlad barbar-dhac ah oo ka soo horjeeda Mas'uuliyiinta Suudaan." Febraayo 20, Suudaan waxay u yeeratay Safiirkeedii u fadhiyay Kenya, Kamaal Jabara, iyadoo mudaaharaadeysa, iyadoo ku eedeysay Kenya inay martigelisay "shirqoolka lagu dhisayo dowlad" RSF. Kenya, si kastaba ha ahaatee, waxay difaacday doorkeeda, iyadoo sheegtay in martigelinta kulammada ay qayb ka tahay dadaallada lagu doonayo in xal loogu helo joojinta dagaalka Suudaan iyadoo lala kaashanayo Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika.

ISHA WARAKA SUNA.

Previous
Previous

KENYA OO GACANTA KU DHIGTAY RAG DAD TAHRIIBIYEY.

Next
Next

ITOOBIYA OO KU CABAADAY BEESHA CAALAMKA,SABAB?