SOOMAALIYA OO KAALINTA 3-AAD KA GASHAY…

DALKA BURKIINO FAASO.

(NAIROBI)-Dalka Burkiino Faaso ayaa ah dal ey si aad ah u saameysay dhibaatada Argagixisada ey ku hayso Qaaradda Afrika,dalka Burkiino Faaso waa dalka labaad ey dhibaato u gaysatay Argagixisad marka loo fiiriyo adduunka oo dhan sannadkii 2022-kii,sidaas waxaa lagu xusay warbixin ey soo saartay koox la socoto Argagixisad addunka loona yaqaano GLOBAL TERRORISM warbixintaan ayaa la sii daayey shalay oo Talaada ahayd kuna beegneed(28/3/23)-ka. Kooxda Global Terrorism Index(GTI) warbixinta ey soo saareen sannadkaan 2023-ka laguna soo bandhigay Machadka Dhaqaalaha iyo Nabada kaaso fadhigiisu yahay dalka Australia ayaa muujiayso wadamadda ka hooseeyo Saxaraha Afrika ineey hadda yihiin Xudunta Argagixisada,waxaane halkaas ka dhacday dhimasho fara badan ey sabab u tahay Argagixisada sannadkii 2022-kii marka la barbardhigo Koonfurta Aasiya,Bariga dhexe iyo Waqooyiga Qaaradda Afrika oo la isku daray. Dalalka Afgaanistaan iyo Burkiina Faaso ayaa noqday dalalka ey Argagixisada u gaysatay dhibaato xoogan waxayna adduunka ka galeen kaalimaha koowaad(1-aad) Afgaanistaan iyo labaad(2-aad) Burkiino Faaso halka Soomaaliya ey ka gashay kaalinta seddexaad(3-aad).

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Previous
Previous

MARAYKANKA OO U HANJABAY IRAAN.

Next
Next

HAYADDA UNICEF OO BAAQ U DIRTAY…