MARAYKANKA OO U HANJABAY IRAAN.

CIIDAMADA MARAYKANKA EE JOOGO SUURIYA.

(WASHINGTON)-Weli waxa ey xiisad colaadeed ka dhex taagan tahay dalalka Maraykanka iyo Iraan gudaha dalka Suuriya,waxaane horay u dhacday in labadaan dal ey isu gaysteen weeraro dhanka cirka ah waxa eyna weeraradaasi ka dheceen bariga dalka Suriya halkaaso ey degan yihiin kooxo Suuriyiin ah ey taageerto dawadda Iraan,hadaba dalka Maraykanka oo ka hadlay arrimaha ka jiro Suuriya waqtigaan la joogo ayaa sheegay”In dalka Maraykanka uu aarsan doono weerar kasta oo lagu qaado ciidamadiisa joogo Waqooyi Bari dalka Suuriya,Mar kasta iyo meel kasta ey doortaan”sidaas waxaa yiri Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanka shalay oo Talaada ahayd(28/3/23)-ka. “Waan samaynay,waane samayn doonaa waqtigeeda iyo sida aan anaga wax u doorano”sidaas waxaa warbaahinta Washington ugu sheegay Afhayeenka Golaha Amniga dalka Maraykanka John Kirby mar uu bixinaayey warbixin kooban.

ISHA WARKA AA.

HAKAAN KA SII AKHRI.

Previous
Previous

SOMALI KU BIIRTAY DAACISH OO DIB LOO SOO…

Next
Next

SOOMAALIYA OO KAALINTA 3-AAD KA GASHAY…