SOOMAALIYA OO KA QEYBGASHAY SHIRKA 18-AAD EE BAARLAM…

(SAWIRKA)-GUDOOMIYE CABDI XAASHI.

(NAIROBI)-Maalmihii la soo dhaafay waxaa caasimadda Kenya ee Nayroobi ka socday shir ey isugu imaanayeen Af-hayeenada Baarlamaanada Wadamadda Xubnaha ka ah Ururka Buslada Bariga Afrika ee EAC-da. Laba maalin ka hore ayey ahayd markii Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed Md.Cabd Xaashi C/laahi uu u ambabaxay caasimadda Kenya ee Nayrobi si uu uga qeybgalo shirka EAC-da,wafdiga Gudoomiye Cabdi Xaashi ayaa waxaa ka mid ahaay Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare ee BJFS Md.C/naasir Ibrahim Guuleed waxa uuna ka qeybgalay shir hordhac u ah kan Gudoomiyeyaasha Baarlamaanada ee Ururka Bulshada Bariga Afrika,Xoghayayaasha ayaa isla Gorfeeyey hawlaha Muhiimka ah ee u qabsoomay Baarlamaanada Ururka Bulshada Bariga Afrika EAC-da mudadii uu dhisnaay. Hadaba Maanta oo ah Arbaca kuna beegan 13/11/24-ka ayuu Gudoomiye Cabdi Xaashi ka qeybgalay Shirka 18-aad ee Gudoomiyeyaasha Baarlamaanada Dawladaha Xubnaha ka ah Ururka Bulshada Bariga Afrika ee EAC-da kaaso maanta si rasmi ah uga furmay magaaladda Nayroobi ee dalka Kenya. Gudoomiye Cabdi Xaashi oo shirka ka jeediyey khudbad dhinacya badan taabaneyso ayaa ugu horeyntii ka waramay muhimadda Soomaaliya ey u leedahay ka mid noqoshada Ururka Bulshada Bariga Afrika(EAC) iyo kaalinta ey ka gaysan karto Horumarka dhinaca dhaqaalaha,Iskaashiga Ganacsiga,Nabada iyo Horumarinta Bulshada,sidoo kale Gudoomiyuhu wuxuu xusay in Ururka EAC-da uu tusaale wanaagsan u yahay dhammaan dawladaha Afrika eyna ku dhiirigelineyso in Afrika oo idil ey Iskaashato isla markaasne ey sameysato midaw ey ku mideysan yihiin dawladahaasi taasoo faa’iido weyn u ah dhaqaala ahaan,bulsho ahaan iyo iney iska kaashadaan soo saarka kheyraadka dihan ee dhexyaalo dhulka Qaaradda Afrika. Shirka waxaa kaloo ka qeybgalay Xoghayaha Guud ee Aqalka sare ee BJFS Md. C/naasir,

ISHA-SNTV.

Previous
Previous

GUDOOMIYE ADAN MADOOBE OO BOOQDAY XARUNTA

Next
Next

KOOX AMNIYAAT AH OO MUQDISHO LAGU QABAY.