KOOX AMNIYAAT AH OO MUQDISHO LAGU QABAY.
(SAWIRKA)-AMNIYATKII LA QABTAY IYO BAJAAJKII EY WATEEN.
(MUQDISHO)-Labadii bilood ee la soo dhaafay waxaa magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho ku soo badanaayey dilal Qorsheysan oo lala beegsanaayo Goobaha Ganacsiga ey ku xiran yihiin Kaamerooyinka CCTV-ga,dhacdooyinka ugu badan ayaa ka dhacay degmooyinka dhaca daafaha caasimadda Muqdisho sida Huriwaa,Garasbaaleey, Daarusalaam,Yaaqshii iyo Dayniile,waxaane dilalkaas qorsheysan fuliya rag ka tirsan kooxda Alshabaab una qaabilsan Madax Jebinta laguna magacaabo AMNIYAATKA. Hawlgaladda ey fuliyaan Amniyaatka ayaa ah mid dhuumaleysi ah ey wehliso xooraamin aad u dheer ka hor inta aan la fulin dilka waayo Hayadda NISA ayaa waxaa ka tirsan rag Amniyaatka horay uga tirsanaay hadase la shaqeeyo Dawladda Federaalka Soomaaliya si ey uga qeyb qaataan Amniga caasimadda Muqdisho,kooxda oo taas og ayaa wax ka bedeshay xeeladeedii ey isticmaali jirtay mudooyinkii hore waxa eyna bilawday iney magaaladda keento wejiyo cusub oo Amniyaat ah si eysan u bar aqoonsan saraakiisha NISA ee yaqaan Amniyaatkii hore ee ka hawlgeli jiray caasimadda,tani waxa ey kooxda Alshabaab u sahashay iney Muqdisho ka fuliyaan dhawr hawlgal ey ku dileen dad dhawr una badan Ganacsato ku suganaay goobohoodii ganacsiga. Xeeladah cusub ee kooxda Alshabaab ey banaanka la timid ayaa waxaa ka mid ah in kooxdu ey adeegsato DUMAR Xijaaban una soo ogaato Goobaha ey ku xiran yihiin Kaamerooyink CCTV-da ee magaaladda Muqdisho,Dumarkaasi waxa ey qadar daqiiqada ah kaga horeeyaan Goobaha Ganacsiga Amniyaatka waxa eyna kuwada xiriiraan Telefoonka si ey ugu sheegto inuu goobta joogo milkiilihii lahaay Ganacsiga iyadoo weydiineysa “Ma adigaa leh Goobtaan Ganacsi IWM”,ma muuqdo telefoonka Dumarka oo waxa ey gashataa EARPHONE korne waxa ey ka sidataa Jalbaab weyn,daqiiqado ka dib markeey Goobta Ganacsi ka baxadane waxaa toogasho lagu dilaa ganacsadihii joogay goobtaas. Qaabka kale ey kooxdu adeegsato ee la arkay ayaa ah in kooxdu dirsato Dumarka tuudsado iyo Caruurta Cuuryaanka ah si ey ugu soo ogaadaan cidda joogta Guriga ama Goobta Ganacsi ey ku xiran tahay Kaameradda CCTV-da,arrintaan ayaa soo ifbaxday ka dib markii la qabtay mid ka mid ah Dumarkii Amniyaatka u sahmin jiray Goobaha Ganacsi iyo Guryaha Kaameroyinka leh ee Muqdisho waxaane la xaqiijiyey in magaaladda Muqdisho gaar ahaan degmooyinka dhaca daafaha caasimadda iney yihiin kuwa kooxdu ka wado hawlgalkeeda,hadaba maxaa soo kordhay oo ey tahay in la idinka daba geeyo?. Hayadda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa maanta oo Arbaca ah waxa ey soo bandhigtay laba nin oo dhallinyara ah kana tirsan kooxda Alshabaab u qaabilsan Madax Jebinta ee Amniyaadka,labadaan nin ayey NISA sheegtay iney ka soo qabaty Degmada Daarusalaam ee G/Banadir ka dib hawlgal ey sameysay,magacayada labada nin ee la qabtay ayaa lagu kala sheegay Axmed Samatar Cali iyo Cali Hilawle Ibraahim iyo Mooto Bajaajkii ey ku fulin jireen dilalka Qorsheysan. Labada nin ayaa laga soo qabtay Degmada Daarusalaam ee G/Banaadir waxaane lagu daba jiraa mid seddexaad oo la shaqeyn jiray iyaga haddane baxsad ka ah cadaaladda. In NISA ka daba shaqeyso Amniyaatka ayaa ah mid hoos u dhigi karta khatarta Amni ey leeyihiin kooxda ALshabaab kana hawlgala degmooyinka G/banaadir.
ISHA-SB-MEDIA.