SOOMAALIYA OO CAMBAAREYSAY WEERARKII…
(SAWIRKA)-MADAXWEYNE XASAN OO KHADKA TELEFOONKA KULA HADLAY DHIGIISA TURKIGA ERDOGAN.
(MUQDISHO)-War Saxaafadeed maanta ka soo baxay dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa si cad loogu cambaareeyey weerarkii Argagixiso ee foosha xun ee lagu qaaday Turkish Aerospace Industries(TUSAS) ee Kahramanzan ee Ankara,weerarka ayaa sababay dhimasho dhan afar Qofood ah iyo dhaawac dhan ilaa 14-Qofood. Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa Tacsi u dirtay Qoysaska Dhibanayaasha ah,waxa eyna sheegtay iney garab taagan tahay Dawladda Turkiga,waxa eyna Dawaladda Federaalka Soomaaliya sheegtay in weerarkaan arxanka daran uusan ahayn mid ka dhan ah Turkiga balse waxa uu dharbaaxo ku yahay Nabadda iyo Amniga caalamka. Warka DFS saartay ayaa u qornaay sidatan:”Argagixisadu nuuc kasta oo ey tahay waxay khatar ku tahay xasiloonida dalalka iyo bad qabka dad oo dhan,Soomaaliya oo muddo dheer dagaal kula jirtay Argagixisada si qoto dheer ayey ula damqaneysaa walaalaheeda Turkiga waxayna la wadaageysaa Murugada. Waxaan bogaadineyaa jawaabta deg dega ah ee ciidamadda Turkiga,waxaane ku kalsoonahay in lala xisaabtami doono kuwa masuulka ka ah falkaasi Argagixiso. Soomaaliya waxay xaqiijineysaa go’aankeeda ah iney sii wado wada shaqeynta ey la leedahay dawladda Turkiga iyo beesha Caalamka ee la dagaalanka Argagixisadda,iskaashigeynuna waa ka xoog badan yahay kii hore,waxa uuna ku dhisan yahay qiyamka aan wadaagno,kalsoonidda iyo u heelanaanta nabadda. Xilliyadan adag Soomaaliya waxay ugu baaqeysaa beesha Caalamka iney mideyaan dadaaladda si looga hortago dhibaatadda Argagixisada ee caalamka oo dhan. Wadajir waxaan u xaqiijin karnaa in ficiladda nuucaan oo kale ah eysan wiiqi doonin go’aankeyna ah inaan ilaalino dadkeyna iyo nabadda Caalamka”. Dhinaca kale,Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Dr.Xasan Sheekh Maxamuud oo khadka Telefoonka kula hadlay dhigiisa Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa uga tacsiyeeyey weerarki Argagixiso ee galabta ka dhacay magaaladda Ankara ee dalka Turkiga. “Soomaaliya waxa ey garab taagan tahay shacabka aan walaalahanahay iyo Dawladda Turkiga ee dagaalka kula jira Argagixisada”ayuu yiri Madaxweyne Dr.Xasan Sheekh Maxamuud.
ISHA-SNTV.