RW-XAMSE OO XAFIISKIISA KU QAABILAY…
(SAWIRKA)-XAFIISKA RW-XAMSE.
(MUQDISHO)-Reysal Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobe u qaabilsan Taageeradda Hawlgaladda Md.Atul Khare,labada masuul ayaa ka wada hadlay sii xoojinta Iskaashiga ka dhexeeyo Soomaaliya iyo Qaramada Midoobe. Reysal Wasaare Xamse iyo Atul Khare ayaa kulankooda uga wada hadlay xoojinta taageeradda xagga Amniga iyo Farsamo ee Qaramada Midoobe ey u fidiso Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo sidii loo sii xoojin lahaay,gaar ahaan qorshaha ciidanka Amniga Soomaaliya ey kula wareegayaan goobaha ey baneeyaan ciidamadda ka socdo Midawga Afrika ee Atmis iyo u diyaar garawga hawlgalka cusub ee AUSSOM. Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobe ee Waaxda Taageerada Hawlgaladda ayaa dhankiisa ka mahadceliyey soo dhaweynta Reysal Wasaaraha Soomaaliya Md.Xamse,isaga oo ugu hambalyeeyey Soomaaliya kursiga Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe,waxa uuna u rajeeyey in Soomaaliya ey gacan ka geysan karto nabadda iyo Horumarka Gobolka iyo Guud ahaan caalamka.
ISHA-OPM.