SOOMAALIYA OO CAMBAAREYSAY DAWLADDA ITOOBIYA.

(SAWIRKA)-ASTAANKA QARANKA SOOMAALIYEED.

(MUQDISHO)-Dawladda Federaalka Soomaaliya waxa ey si adag u Cambaareysay falka Xadgudubka ah ee maanta ey Ciidmadda dalka Itoobiya ka geysteen magaaladda Doolaw ee Soomaaliya. Saakay abaarihii 10:00-kii subaxnimo ayaa Ciidamadda Itoobiya weerar lama filaan ah ku soo qaadeen fariisimo ey ku sugnaayeen Ciidamadda Qaranka Soomaaliya kuwaaso ku yiilay degmada Doolow ee Gobolka Gedo. Weerarkaan oo u muuqda inuu yahay mid si qorsheysan loo fuliyey ayey Ciidamadda Itoobiya ku beegsadeen seddex Saldhig ey kala leeyihiin Ciidamadda XDS,Ciidamadda NISA iyo Ciidanka Boolsika Soomaaliyeed. Nasiib darro intuu uu weerarka soday,Ciidamadda Itoobiya ayaa dil iyo dhaawac u geystay xubno ka tirsan Ciidamadda Soomaaliya kuna sugnaay goobahaas,sidoo kale waxa ey waxyeelo gaarsiiyeen mawaadiniin rayid ah oo ku sugnaay goobta. Falkaan maanta dhacay ayaa lagu soo beegay xilli ey DFS ey ku jirto dadaalo nabadeed oo lagu xoojinaayo heshiiskii Ankara,iyadoo isla maanta wafdi sare ey DFS u dirtay dalka Itoobiya,waxaase ayaan darro noqday ficiladaan ka yimid dhanka Itoobiya kuwaaso si cad xadgudub ugu ah heshiiskii Ankara,Axdiga Midawga Afrika,Xeerarka Qaramada Midoobe iyo dhaqanka deris wanaaga.

ISHASNTV.

Previous
Previous

SOOMAALIYA IYO ITOOBIYA OO KA WADA HADLAY….

Next
Next

WASAARADDA AMNIGA XFS OO KA HADASHAY….