SOOMAALIYA IYO ITOOBIYA OO KA WADA HADLAY….

(SAWIRKA)-WAFDIGA SOOMAALIYA IYO KUWA ITOOBIYA.

(ADDIS ABABA)-Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Cali Maxamed Cumar(Cali Balcad) ayaa maanta wada hadallo laba geesood ah la yeeshay dhigiisa dalka Itoobiya Md.Amb.Mesganu Arega. Intii u socday kulanka,labada dhinaca ayaa xaqiijiyey sida ey uga go’an tahay xoojinta wada hadaladda iyo kor u qaadida xiriirka shaqo ee labada dal,iyagoo sidoo kale dib u xaqiijiyey iney ixtiraamayaan Midnimad,Madax-Baaanidda iyo Wadajirka dhuleed ee labada dal. Wada hadaladaan ayaa daba socdo Baaqii Ankara ee 11-kii Bishaan Diseemabar-2024-ka. Wasiir Cali Balcad ayaa sheegay Cabashada iyo Cambaareynta Soomaaliya ee ku saabsan ficiladda Ciidamada Itoobiya ey ka sameyeen degmada Doolow ee Gobolka Gedo ee dalka Soomaaliya. Amb.Mesganu Arega ayaa muujiyey u diyaar ahaanshaha Dawladda Itoobiya ee ku aadan in baaritaan deg deg ah lagu sameeyo arrintaas,isagoo balan qaaday iney wada shaqeyn la yeelan doonaan DFS si looga hortago dhacdooyinka nuucaan ah. Qodobada kale ee wada hadalka diiradda lagu saaray ayaa waxaa ka mid ah ilaalinta Nabadda iyo Amniga gobolka iyadoo lala dagaalamaayo Argagixisada iyo sidoo kale xoojinta xiriirka labada geesoodka ah si loo mideeyo dadaaladda lagu hirgelinaayo Baaqa Ankara,taaso ah talaabo muhiim ah oo lagu xalinaayo khilaafka u dhexeeyo labada dal tan iyo horaantii sannadkan-2024-ka. Dhinaca kale,wafdiga uu hogaaminaayo Wasiir Cali Balcad ayaa waxaa ka mid ah Agaasimaha Hayadda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka(NISA) Md.C/laahi Maxamed Cali Sanbalooshe,wararka ayaa sheegaayo in Agaasime Sambalooshe uu isna qaabilay dhigiisa dalka Itoobiya waxa eyna ka wada hadleen sidii la isaga kaashan lahaa dhinaca Amniga labada la isuna dhaafsan lahaa wixii macluumaad ah kuna saabsan dembiileyaasha isaga kala goosha labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Isha.Sntv.

Previous
Previous

DUULIMAADKII KISMAAYO OO MAANTA LA HAKIYEY.

Next
Next

SOOMAALIYA OO CAMBAAREYSAY DAWLADDA ITOOBIYA.